Cusbitaalka SAHAN Oo lagu Dabiibo, laguna daryeelo Dadka Qaba Xanuunnada dhimirka ayaa lagu Qabtay Munaasibad ballaadhan Oo lagu Maamuusay Dufcaddii 16-aad ee Qalin-Jabiyey Machadka Barashada Culuumta Islaamka Iyo Xirfadaha kala Duwan.
Xarunta SAHAN oo ah ta ugu ballaadhan guud ahaan Geeska Afrika, isla markaana looga kala yimaaddo dalalka Bariga Afrika iyo Caalamkaba, waxa Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka markay bogsadaan lagu baraa Xirfado ay ku shaqo tagaan, sida Dawaarka, samaynta Jaajuurka, Laydhka, Barashada Afka Soomaaliga, Qur’aanka Kariimka ah iyo Xirfado kale oo muhiim ah.
Sannad kasta Cusbitaalka Sahan waxa Caafimaad ka hela Dad Faro badan kuwaas oo bulshada dib ugu noqda iyagoo la baray xirfado kala duwan oo ay ku shaqo-tagaan.

Munaasibaddan loo qabtay dufacadda 16aad ee Ka Aflaxday xarunta Sahan, waxa ka soo qayb-galay Masuuliyiin, Siyaasiyiin, Dhakhaatiir, Madax-dhaqameed, Waalidiin iyo Maamulka Xarunta Sahan Mental Health and Teaching Hospital.
Ugu horeyn Xaflada waxa ka hadlay Agaasimaha Cusbitaalka, Kayse Xasan Cumar, Guddoomiyaha ahna Aas Aasaha Sahan Bashiir Maxamed Jaamac, Oday Maxamuud Jaamac Quule oo kamid ah Tiirarka Sahan Iyo Samatar Nuur Oo kamid ah Macalimiinta wax ka dhiga Machadka, waxaanay ka war-bixiyeen Marxalihii ay soo martay Xaruntu iyo halka ay Maanta marayso.
Dr Ayaanle Saleebaan Hagoog, Dr.Ibraahim Nuur Caqli iyo Dr.Cabdifataax Maxamed Ibraahim oo ka mid ah Dhakhaatiirta ka hawl-gasha Cusbitaalka SAHAN, ayaa ka waramay Xanuunada ku dhaca Maskaxda, Daryeelkooda, Duruufihii ay soo mareen Dadkan ka Bogsaday Xannuunka iyo Dedaalka Maamulka SAHAN.
Waalidiin, Masuuliyiin ka socda Laamaha Dawlada, Siyaasiyiin, Mujaahidiin, Madaxdhaqmeed, Marti Sharaf iyo Bukaanada hada ka bogsaday Xanuunka Oo Maamulka Sahan Hospital uga mahad-celiyey dedaalka, Adeegyada ay bixiyaan iyo sida loo daryeello Dadka Qaba Xanuunka Maanka, waxanay ugu Baaqeen Dawlada iyo Dadka Muxsiniinta ah ee khayrka jecel inay Taageero la barbar istaagaan Cusbitaalka Sahan.
Gebo-gabadii Munaasibadda waxa Shahaadooyin iyo Abaal-marinno Lagu guddoonsiiyey qaar ka mid ah ardayda cusbitaalka ka najaxday oo munaasibadda ka sheegay waxtarka ay ka heleen Cusbitaalka Sahan, waxaanay si gaar ah u bogaadiyeen Hawl-wadeennada Cusbitaalka oo ay Xuseen inay kala kulmeen hab-dhaqan Wanaagsan iyo daryeel Fiican muddadii ay ku Sugnaayeen xarunta.



















Leave a Reply
You must be logged in to post a comment.